Gobolka Banaadir oo dhib la’aan uga badiyay Koonfur Galbeed

(Muqdisho) 15 Luuliyo 2016 Xulka gobolka Banaadir ayaa guul ku daah furtay tartanka gobolada Soomaaliya oo ay ka qeyb qaadanayaan 6 gobol oo hoos yimaadda federaalka Somalia

Munaasabada Tartankan lagu furayay waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi Nuux , Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee dowladda.

Kullanka ayaa u dhaxeeyay gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 3-0 oo ay Banaadir ku hoggaaminayaan waxaana goolasha u dhaliyay Cabdullahi Suarez oo ka tirsan kooxda heerka labaad ee FC Banaadir, halka goolka labaad uu dhaliyay Liibaan Xasan oo u ciyaaray degmada Hilliwaa ciyaarihii degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana goolka saddexaad ansixyay kabtanka kooxda Bariga Dhexe ee Axmed Cabdiqaadir Buush.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ciyaartooyda gobolka Banaadir waxa ay heleen labo gool kale waxaana u dhaliyay Maxamed Ramirez oo ka tirsan kooxda FC Banaadir iyo xiddiga Buush oo markale shabaqa soo taabtay waxaana ugu dambeyn ciyaarta ay kusoo dhamaatay 5-0 oo guusha ku qaadatay gobolka Banaadir.

Sikastaba maalinta bari waxaa wada ciyaari doono Hiiran iyo  Sh/Dhexe oo hal koox matalaya waxaana ayna wajihi doonaan Jubaland.

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close