Seddex laacib oo saaka dib loogu arkay tababarka Real Madrid

(Madrid) 14 Luulyo 2016 Kooxda Real Madrid ayaa helaysa war farxad leh kadib markii saaka lagu arkay tababarka kooxda seddex laacib oo muhiim u ah.

Goolhaye Navas, Varane iyo Danilo ayaa dib ugu soo laabtay saaka tababarka kooxda Real Madrid sida lagu baahiyay web-ka kooxda reer Spain.

Sidoo kale Marcelo iyo Carvajal ayaa arbacadii qaatay tababar gooni ah, 5-taan laacib ayaa doonayay inay sii bilaabaan tababarka ka hor ciyaartoyda kale ee Real Madrid.

Marcelo, Carvajal iyo Navas ayaa tababarkoodu uu ku koobnaa kaliya qolka jirdhiska halka Varane iyo Danilo ay bilaabeen orodka dhanka cawska taas oo farxad u ah tababare Zidane ka hor bilaabashada xiliciyaraeedka cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close