Raul: Ronaldo kaddib Real Madrid nolol ayaa u jirta

cristianoronaldo-cropped_1ilkaaxwx6vkk1v0w9ah2gckn2

(Madrid) 14 Luulyo 2016. Halyeygii Real Madrid Raul ayaa qaba kalsooni ah in ay nolol uga  dambeyn doonto Cristiano Ronaldo Santiago Bernabeu.

Laacibka u dhashay Portugal waxa uu Madrid ka noqday xiddigooda aan muranka galin tan iyo markii uu 2009 uga soo biiray Manchester United,  waxa uu dhaliyey 300 gool tiro ka badan dhamaan tartamada toddobaddii xilli ciyaareed ee uu ku sugnaa halka uu laba jeer qaaday Champions League.

Qaar ayaa qaba in Madrid ay noqotay mid aad ugu tiirsan Ronaldo laakiin Raul uma baqayo kooxda marka ay uga dhamaato 31 jirka.

“Xaqiiqdii waxaa jira nolol ka dambeysa Ronaldo,” ayuu Raul u sheegay AS. “Waxa uu Cristiano sameenayey waa wax weyn, laakiin Madrid waxa ay leedahay koox fiican iyo ciyaaryahano wali wax badan keeni kara. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in ay u wada shaqeeyaan sida hal xubin.

“Cristiano waxa uu ahaa gool dhaliyaha ugu sarreeya toddobaddii sano ee la soo dhaafay. Ma jirin qof filayey in uu sidaas bandhigyo u sameeyo, waxa uu leeyahay rabitaan la yaab leh oo uu ku gaarayo hadafyadiisa waxa uuna sii wadaa shaqada.

“Xiriir wanaagsan ayaan la leeyahay isaga. Waxaana jira galgacal noo dhexeya. Waa ceeb in kaliya hal xilli ciyaareed aan wada ciyaarnay, laakiin waxa uu ahaa sanad wanaagsan xiriir fiicanna waan lahayn.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close