Paul Pogba oo diiday in uu meesha ka saaro dib ugu laabashada Manchester United

3383112_heroa

(Paris) 14 Luulyo 2016. Paul Pogba ayaa diiday meesha ka saaridda  in uu mustaqbalka ku laabanayo Manchester United, isaga oo ku tilmaamay kooxda in ay tahay “Qoyskiisa kowaad.”

Xiddiga Juventus waxaa si xoog leh loola xiriirinayaa xagaagan in uu ka tagayo Turin, waxaa la fahansan yahay in  Real Madrid ama United  ay  hogaanka u hayaan loolanka loogu jiro shaqadiisa.

United waxa ay Pogba ka iibisay Juventus 2012, hada waxa ay isha ku hayaan in ay dib ula soo saxiixdaan iyaga oo bixinaya qiime £100 million ah noqonna doona rikoor.

Isaga oo ka qeyb galaya arbacadii xafllada ESPY ee lagu bixiyo abaalmarinada Pogba waxaa loo soo taagay saddexdda maaliyadood.

Markii loo dhiibay maaliyada Juventus, Pogba waxa uu ku jawaabay: “Waa kooxdeyda, qoyskeyga. Waa halka aan ka ciyaarayo. Marka aan xirto funaanadan waan faraxsanahay, waan ku faraxsanahay in aan ciyaaro kubadda cagta. Waa wax aan rabay in aan sameeyo tan iyo yaraanteydii. Halkan waan ku faraxsanahay.”

Kaddib waxaa loo dhiibay maaliyada United, taas oo markii hore uu ka maadeystay – “Ma aqaano kuwan!” Kahor inta uusan ku darin” “Waa qoyskeyga kowaad.”

Markii lagu sii riixay ka jawaabidda hadii Jose Mourinho uu dalab ka soo gudbiyo, Pogba waxa uu ku warceliyey: “Ma aqaan. Weynu arki doonnaa.”

Real Madrid waxa uu ka yiri: “Koox weyn.”

Mar la sii riixay oo la weydiiyey tan uu doorbidayo, Pogba waxa uu mar kale diiday in uu xulasho sameeyo: “Saddexddaba waan qaadan lahaa.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close