Kaddib markii uu la maqnaa jab lugta ah Luke Shaw oo dib ugu safan kara Man United todobaadka dambe

(Manchester) 14 Luuliyo 2016 – Daafaca kooxda kubadda cagta Manchester United ee Luke Shaw ayaa soo gabagabeeyey 10 bilood oo uu la maqnaa dhaawac jab lugta ka soo gaaray, waxaana uu la filayaa inuu kooxda dib ugu soo laabto todobaadka dambe sida ay wararku sheegayaan.

Xiddiga xulka qaranka Ingiriiska ee Shaw ayaa lugta kaga jabay kulankii Champions League oo ay u martiyeen kooxda PSV Eindhoven bishii September ee la soo dhaafay.

Shaw ayaa shalay ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda, waxaana la warinayaa inuu ku jiri karo safka Man United ee kulankooda ugu horreeya isdiyaarinta xilli ciyaareed Sabtida soo aadan la ciyaaraya Wigan Athletic.

CnPvP8cXgAAdMCD

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close