Juventus oo dalab xoog leh ka gudbisay weerar yahanka Napoli ee Gonzalo Higuain

gonzalo-higuain

(Turin) 14 Luulyo 2016 Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Juventus ay dalab xoog leh ka gudbisay weerar yahanka reer Argentina ee Gonzalo Higuain.

Gonzalo Higuain ayaa diirada u saaran kooxda Arsenal, balse CalcioMercato ayaa sheegaysa in Juventus ay ku dalbatay aduun dhan 75 milyan oo euro.

Wakiilka 28 jirkaan ku guulaystay gool dhalinta horyaalka talyaaniga xiliciyaareed kii hore ayaa sheegay inuusan heshiis cusub qalinka ugu duugi doonin Napoli.

Qorshaha Juventus ay ku qaadanayso Gonzalo Higuain waxaa qayb ka ah 25 jirka reer Argentina ee Roberto Pereyra kaas oo ku dhaw in 18 milyan oo euro uu ugu biiro Napoli.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close