Inter Milan oo xoog kusoo gashay hardanka Axel Witsel

(Milano) 14 Luulyo 2016 – Kooxda Inter ayaa hollinaysa inay Everton iyo Liverpool ku garaacdo saxiixa laacibka Zenit St Petersburg jaalle Axel Witsel.

Laacibkan ayaa iska diidey kooxda Napoli, balse ma diiddana Serie A, halkaasoo uu haatan shukaamin ku bilaabay macallin Roberto Mancini.

Warsidaha Gazzetta dello Sport ayaa werinaya in Nerazzurri ay haatan la xaajoonayso Witsel aabihii oo sidoo kale wakiilkiisa ah, iyadoo heshiis la gaari karo 7-da maalmood ee soo aaddan.

Wakiilka laacibka ayaa heshiiska muhim u ah, maaddaama horraanba Zenit la isku af gartay dalab ku kacaya €22m, xaaskiisa ayaa la sheegayaa inay laacibka ku riixayso caasimadda xarragada ee Milano.

Roberto Mancini ayaa Belgian-kan u arka mid ku qaabsan shaxda 4-2-3-1 si uu uga garab dheelsiiyo Geoffrey Kondogbia.

x2

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close