Chelsea oo Nemanja Matic u sheegtay war cad oo ku saabsan aayihiisa kooxda

matic-chelsea-feature_3235803

(London) 14 Luulyo 2016. Chelsea waxa ay ku wargalisay Nemanja Matic in aysan dooneyn iibintiisa xagaagan, sidaas waxaa laga soo xiganayaa Daily Mail.

Laacibka khadka dhexe ee u dhashay Serbia waxaa ku soo food saaray Stamford Bridge wajigabax xilli ciyaareedkii hore, xagaagan oo dhan waxaa su’aalo la’iska weydiinayey mustaqabalkiisa waxaana ku wada raad joogay Manchester United iyo Juventus.

Tababaraha cusub ee Chelsea Antonio Conte waxa uu sidoo kale ku rajaweyn yahay in uu £30 million ku helo N’Golo Kante halka lala xiriirinayey Radja Nainggolan iyo Laacibka ay dal wadaaga yihiin ee Axel Witsel.

Marka laga yimaado xiisaha magacyada la xusay iyo qorshaha Conte ee ah dib u dhiska Chelsea khadkeeda dhexe, kooxda London waxa ay u caddeysay Matic in uu door ku leeyahay kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close