Barcelona oo £17m ku rabta Memphis Depay

2EC744C900000578-3332783-image-a-16_1448414057463

(Catalonia) 14 Luulyo 2016. Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameedsaneyso Memphis Depay kaddib markii ay goyn weyday weeraryahanka Atletico Madrid Luciano Vietto.

Catalans ayaa la qabaa in ay Vietto ka dhigatay dookheedii kowaad marka laga yimaado in uu saddex gool oo kaliya dhaliyey xilli ciyaareedkii hore.

Wakiilka Vietto waxauu xaqiijiyey bishii hore in Barca ay ka mid ahayd kooxaha xiiseenayey laacibka reer Argentina laakiin wali aan la ogeyn in Atletico ay dooneyso iibinta xiddiga.

Taas ayaa ka dhigan in Luis Enrique uu diiradiisa meel kale u weecinayo kahor inta uusan bilaaban ololaha cusub, warsidaha ka soo baxa Spain ee Don Balon ayaa sheegay in Depay uu yahay ciyaaryahanka kale ee liiska ku jira.

Barcelona waxa ay bixin kartaa qiime dhan £17m kaddib markii uu 12 bilood waqti hada la joogo uu uga soo biiray £25m naadiga PSV Eindhoven.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close