10-ka kooxood ee ugu hantida badan Adduunka oo la shaaciyey… (Kaalintee ayey kaga jirtaa kooxdaada?)

Real

(World) 14 Luuliyo 2016 – Shirkadda Forbes ayaa ku dhawaaqday 10-ka kooxood ee ugu qiimaha badan Adduunka, waxaana kaalinta koowaad hoos uga dhacday Real Madrid oo kaalinta koowaad iska haysatay tan iyo sanadkii 2011-kii.

Kooxda NFL ee Dallas Cowboys ayaa kaalinta koowaad 10-ka kooxood ee ugu qiimaha badan kala baxday Real Madrid, waxaana hantideeda lagu qiimeeyey 4 bilyan oo dollar oo u dhigan ta 3.02 bilyan oo gini.

Real Madrid oo hoos ugu soo dhacday kaalinta labaad ayaa hantideeda lagu qiimeeyey 3.65 bilyan oo dollar oo u dhiganta 2.75 biyan oo gini, halka Barcelona oo soo fariisatay kaalinta saddexaad hantideeda lagu qiimeeyey 3.55 bilyan oo dollar oo u dhigtanta 2.68 bilyan oo gini.

Manchester United oo intii u dhaxaysay sanadihii 2011 ilaa 2012 kaalinta koowaad ku jirtay ayaa hadda u dhacday kaalinta shanaad, waxaana hantideeda lagu qiimeeyay 3.32 bilyan oo dollar oo u dhiganta 2.5 bilyan oo gini.

Dhinaca kale Kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Manchester United ayaa noqday kaliya saddexda kooxood ee ka ciyaara kubadda cagta oo ku jira liiska 10-ka kooxood ee ugu hantida badan adduunka.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 10-ka kooxood ee ugu hantida badan Adduunka:-

Kooxda Qiimaynta ($bn) Ciyaaraha Qiimayntii 2015
Dallas Cowboys 4.0 NFL 2
Real Madrid 3.65 Soccer 1
Barcelona 3.55 Soccer 4
New York Yankees 3.4 MLB 2
Manchester United 3.32 Soccer 5
New England Patriots 3.2 NFL 6
New York Knicks 3.0 NBA 8
Washington Redskins 2.85 NFL 9
New York Giants 2.8 NFL 12
Los Angeles Lakers 2.7 NBA 6
San Francisco 49ers 2.7 NFL 22

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close