Wakiilka Arda Turan oo ka hadlay mustaqbalka wiilka reer Turki…(Waa halkee?)

arda

(Catalonia) 13 Luulyo 2016. Xiddiga reer Turki ee Arda Turan ayaa ku soo biiray camaaliqada Spain ee Barcelona kal ciyaareedkii la soo dhaafay wuxuuna adduun dhan 28-milyan oo bound kaga yimid dhanka kooxda ka dhisan Madrid ee Atletico Madrid.

Waxaa laga xanibay inuu Barcelona u ciyaaro muddo lix bilood ah maadaama markaa uu Barcelona ganaax ka saarnaa suuqa kala iibsiga.

Laakiin Turan ayaa ku dhibtooday booska safka hore ee Barca markii xanibaada laga qaaday kooxda iyadoona sagaal kulan oo qura lagu soo bilaabay La Liga.

Kooxaha ka wada dhisan London ee Chelsea iyo Arsenal ayaa lala wada xiriirinayay inay xagaaga u soo dhaqaaqaan xiddiga xulka Turkiga kaa oo la aamisan yahay inuu ku kacayo 23-milyan oo bound.

Laakiin wakiilka Turan ee Ahmet Bulut, ayaa daaha ka rogay in 29-jirka uu doonayo inuu la sii joogo kooxda reer Catalonia xilli ciyaareedka soo socda.

“Xiisaha loo hayo Arda waa mid iska caadi ah, laakiin xanta sheegeysa inuu ka tagayo Barcelona waa mid been ah,” Bulut ayaa sidaa u sheegay jariiradda The Guardian.

“Kooxda ayuu ku faraxsan yahay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close