Sevilla oo dalbanaysa in dib loodhigo Kulanka Barcelona ee Super Cup-ka Spain

(Sevilla) 13 Luulyo 2016 Kooxda Sevilla ayaa u aragta inaysan ku filnayn nasiino 2-maalin ah ka hor kulanka lugta hore ee ay laciyaari doonaan kooxda Barcelona Super Cup-ka Spain.

Sevilla ayaa 9-ka bisha August labalansan kooxda Real Madrid Final-ka Super Cup-ka yurub, iyaga oo lugta hore ee Super Cup-ka Spain laciyaari doona Barcelona 12-ka August.

Wargayska Marca ayaa daabacay in kooxda Sevilla ay qorshaynayso inay codsi u gudbiso xiriirka kubadda cagta Spain si wax looga badalo waqtiga laciyaari doono Super Cup-ka Spain maadama ay kulan adag laciyaari doonaan Real Madrid.

Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa horay u qorsheeyay in lugta hore ee Super Cup-ka Spain laciyaaro 12-ka August halka lugta labaadna laciyaari doono 15 Augusta.

Sevilla ayaa doonaysa in kulanka lugta hore laciyaaro 14 August halka kulanka lugta labaadna ay doonayaan in laciyaaro 17 August.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close