Roger Martínez oo ku biiraya kooxda Inter Milan (Luuq cajiib ah oo uu soo mari doono)

(Buenos Aires) 13 Luulyo 2016 – Kooxda Racing Club Avellaneda ayaa iibisey laacibka Roger Martinez oo ay ka qaadatay Jiangsu Suning, balse wakiilkiisa ayaa xaqiijiyey “inuu aadi doono kooxda Inter.”

Laacibka weerarka ka dheela ee reer Colombia international ayaa ogolaaday inuu China ku tago €9m oo euro iyo isagoo qaadan doona 15 boqolkiiba sicirka mustaqbalka lagu iibin doono.

War kasoo baxay naadigiisii hore ayaa lagu sheegay in laacibkani ku biirayo Jiangsu Suning taasoo uu leeyahay isla milkiilaha bishii hore iibsadey kooxda Inter Milan.

“Wuxuu aadi doonaa Inter marka dambe, balse haatan maya,” ayaa lagasoo xigtey wakiilkiisa Fernando Lopez oo la hadlayey Radio El Sol.

Martinez oo dhowaantan uun 22-jirsaday ayaa Koobka Ameerika xulkiisa Colombia ku metelayey xagaagan, isagoo 1 gool u dhaliyey 4 kulan oo uu u saftay.

Inter ayaa qaabkan ugu gooynaysa xeerka dhaqaale wanaagga UEFA ee FFP, balse lama oga ilaa iyo inta ay u shaqayn doonto.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close