Mehdi Benatia oo ku wareersan kooxdii uu ku biiri lahaa Juventus iyo AC.Milan

(Munich) 13 Luulyo 2016 Daafaca kooxda Bayern Munich ee Mehdi Benatia ayaa ku wareersan kooxdii uu ku biiri lahaa suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Laacibka ayaa u dhexeeya kooxaha Juventus iyo AC.Milan, Sky Italia ayaana sheegaysa in laacibku uusan wali gaarin go’aan ku aadan halka uu ka ciyaari doono xiliciyaareedka cusub.

Juventus iyo Bayern Munich ayaa kuwada heshiiyay in Mehdi Benatia uu amaah hal xiliciyaareed ah ugu biiro Juve iyaga oo 20 milyan oo euro kuwada iibsan kara xaggaaga dambe sida laga sii xigtay Di Marzio.

Dhanka kale AC.Milan ayaa si xoog leh ugu howlan dhamaystirka saxiixa Mehdi Benatia kaas oo ay u arkaan in mustaqbalkiisu uu yaalo garoonka San Siro.

Mehdi Benatia ayaa sanado badan ka ciyaarayay horyaalka talyaaniga isaga oo soo xirtay funaanadaha kooxaha Udinese iyo Roma.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close