XOG: Medhi Benatia oo caafimaadka u maraya Juventus (Goorma ayuu imanayaa?)

(Torino) 13 Luulyo 2016 – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Medhi Benatia uu berritoole caafimaadka u mari doono kooxda Juventus kaddib markii ay €20m kula heshiiyeen kooxda Bayern Munich.

Sky Sport Italia iyo ilo wareedyo kale ayaa tibaaxaya in uu Benatia ku iman doono heshiis amaah ah oo ay Juve xaq u leedahay inay sanadka dambe ku iibsato 20 milyan oo euro.

Waxayna u kala qaybsan tahay €18m oo ay khasab noqonayso in la bixiyo marka la gaaro 2017 kaddib marka uu dhowr kulan safto, iyo €2m oo ku baxaysa amaahda.

Wuxuu laacibku saxiixi doonaa heshiis 4 sanadood ah oo uu sanadkii ku qaadan doono €3m oo euro, yeelkeede, Mediaset Premium ayaa ku doodaya in heshiiska amaahda ihi uu ku kacayo €3m halka uu heshiiska kale ku kacayo €17m oo aan weliba waajib ahayn.

Warsidaha Corriere dello Sport ayaa sheegaya in 29-jirkan daafaca ihi uu Khamiista berri ah soo gaari doono Torino si uu caafimaadka ugu maro kooxda Bianconeri.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close