Martin Skrtel oo soo gaaray Istanbul isla markaan tijaabada caafimaad u maray Fenerbahçe SK…..+SAWIRRO

(Istanbul) 13 Luulyo 2016. Daafaca birta ah ee kooxda Liverpool Martin Skrtel ayaa aad ugu faraxsan inuu heshiis ku kacaya 5-milyan oo bound ugu biiro kooxda reer Turki ee Fenerbahce.

Daafaca reer Slovakia ayaa soo afjaraya 8-sano iyo bar uu la joogay kooxda reer England kaddib markii uu heshiis la gaaray Fenerbahce.

Skartel ayaa soo gaaray magaalada Istanbul iyadoo ay halkaa ku soo dhaweeyeen taageerayaal badan markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo,” Martin Skrtel ayaa sidaa yiri markii uu soo cago dhigtay Turkiga.

“Ma fileyn soo dhaweynta ceynkan oo kale ah.

“Waxaan la hadlay Miroslav Stoch wuxuuna iga yiri waxyaabo fiican oo ku saabsan magaalada iyo kooxda.

“Liverpool waa koox wayn laakiin Fenerbahce waa mid aad u xasilloon si deg deg ah ayayna ku hor-mareysay tan iyo bilowgii.

“Fenerbahce waa koox wayn aad ayaana ugu faraxsanahay inaan aqbalo dalabkeeda.

“Maanta ayaan imid halkan si aan u dhammeystiro faah-faahinta ugu dambeysa waxaana ku rajo waynahay inaan dhammeystiri karno wax kasta la iina sawiri karo sida ciyaaryahan Fenerbahce ah.”.

Skartel ayaa ka soo muuqday muddadii uu la joogay Liverpool 320-kulan wuxuuna u dhaliyay 18-gool.

SAWIRRO:

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

sk

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close