Luka Modric oo mar labaad Garsoorka looga yeeray kaddib markii lagu eedeeyay…

luka-modric-real-madrid

(Madrid) 13 Luuliyo 2016  – Xiddiga Khadka Dhexe kooxda Real Madrid ee Waddanka Spain Luka Modric ayaa  mar labaad Garsoorka dalkiisa la hor keenay, halkaas oo lagu weydiiyay su’aalo la xiriira canshuur lagu tuhmayo inuu la gooyay xilligii uu joogay Dinamo Zegreb.

Xeer Ilaaliyeyaasha Guud ayaa rag sar sare oo ka tirsanaa maamulka iyo ciyaartoyda Zegreb ku soo eedeeyay musuq maasuq iyo wax is-daba marin.

Bishii September sanadkii 2015 ayay ahayd markii dhegeysigii 1-aad su’aalo lagu weydiiyay Modric oo lagu heysto macluumaadka lacageed ee la xiriira heshiiskii uu 2008 ugu wareegay Tottenham, halkaas oo maxkamaddu cuskanayso in Malaayiin Dollar oo canshuur ah uusan bixin.

Guddoomiyihii hore Dinamo Zegreb ee Zdravko Mamic oo ahaa ninkii ugu magaca weynaa Kubadda Cagta Croatia ayaa bishii April ee la soo dhaafay lagu eedeeyay Laaluush qaadasho iyo Canshuur la gambis, inkastoo Zdravko uu iska fogeeyay eedeymahani, isagoo sheegay in kiiskani ay hoosta ka riixayaan siyaasiyiinta  Croatia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close