Liverpool oo ku fal falaaday Fleetwood Town, AS Rom 16-gool ku adkaatay, PSG oo dirqi uga adkaatay West Bromwich Albion iyo kulamadii kale ee saaxiibtinimo

liver

(Europe) 13 Luulyo 2016. Waxaa dhacay kulamo saaxiibtinimo oo badan iyadoo Liverpool ay shan gool kaga adkaaday kooxda yar ee Fleetwood Town, halka AS Roma ay si xun u silcisay Pinzolo, PSG ayaa iyana 2-1 ku martay West Bromwich.

Qeybtii hore ee ciyaarta ay Liverpool 5-0 ku martay Fleetwood ayaa lagu kala nastay 1-0.

Qeybta labaad ee ciyaarta ayay afarta gool  kala dhalisay Reds waxaana saddex gool oo ka mid ah goolasha ay ku adkaaday u saxiixay wiilasha reer Brazil ee Lucas Leiva oo mid dhaliyay iyo Roberto Firmino oo labo dhaliyay.

AS Roma ayaa 16-0 ku martay Pinzolo waxaana lagu kala nastay qeybta hore 9-0.

https://pbs.twimg.com/media/

Mohamed Salah ayaa labo gool is raacsaday bilowga ciyaarta waxaana afar gool sidoo kale dhaliyay dhaliyihii Premier League ee Eden Dzeko.

PSG ayaa iyana 2-1 kaga adkaatay kooxda West Bromwich iyadoo goolka laga dhaliyay PSG uu ahaa mid uu iska dhaliyay daafacooda reer Brazil ee David Luiz.

Kulamada kale ayaa sidan loo ciyaaray:

Atalanta 7 – 1 Rappresentativa Val Seriana.

ChievoVerona 12 – 1 Top 22.

Eintracht Rheine 1 – 9 Schalke 04.

Basel 1 – 4 Zenit St. Petersburg.

Monaco 4 – 1 Sporting CP.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close