“Heshiis uma kordhin Roma” – Wakiilka daafaca Roma ee Kostas Manolas oo hadlay

(Roma) 13 Luulyo 2016 Wakiilka daafaca kooxda Roma ee Kostas Manolas ayaa beeniyay warar labaahiyay oo ah in laacibku uu heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa.

Laacib kaan ayaa diirada u saaran kooxaha Chelsea iyo Arsenal laakiin wakiilkiisa ayaa sheegay inay suurogaltahay in laacibku uu heshiis cusub saxiixo isbuucyada nagu soo aadan.

Qandaraaska Manolas ee Roma ayaa ku eg June 2019, kooxda reer talyaani ayaana diyaar u ahayn inay iska fasaxdo laacibkeeda.

“Wax heshiis kordhin ah lama gaarin Manolas kooxda Roma” ayuu yiri wakiilka Kostas Manolas xili uu la hadlayay shabakada Laroma24.

“Waa sax, waxaan idiin xaqiijin karaa in uusan ogolaan heshiis kordhinta Roma, waxaa lagayaabaa inuu heshiis lagaaro isbuucyada nagu soo aadan” ayuu siiraaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close