EEG: Sida ay u muuqaneyso SHAXDA Barcelona marka lagu daro saxiixooda cusub ee Samuel Umtiti

CnMJZwEWAAEyHr4

(Catalonia) 13 Luulyo 2016 – Barcelona ayaa shalay dhammeystirtay saxiixa daafacii dhexe ee kooxda Lyon Samuel Umtiti kaddib markii uu daafaca reer France ogolaaday heshiis shan sano uu ku joogayo gegada Camp Nou.

Daafaca reer France ayaa ugu soo dhaqaaqay Barca adduun dhan 25-milyan oo euro, iyadoona heshiiskiisa qeyb looga dhigay 60-milyan oo euro oo lagu bur-burin karo qandaraaskiisa.

Maaliyaddiisa Barcelona ayaa la daabacay Umtiti, inkastoo uusan ku xusnayn  lambarka uu u xiran doono kooxda, haddana waxaa loo badinayaa in gacanta loo gelin doono lambarkii Éric Abidal ee Barcelona (No 22), waxaana si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa maalinta Jimacaha ee soo aaddan.

22-jirkaan ayaa sidoo kale xulkiisa France kula guuleystay koobka adduunka ee 20-jirada 2013-kii, saddex kulan ayuuna u saftay xulka Faransiiska ee waa waynka, 90-daqiiqo ayuu dhammeystay kulamadii Iceland iyo Germany iyo 120-kii daqiiqo ee ciyaartii Final-ka ay la yeesheen xulka Portugal ee Euro 2016.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida ay suuro galka tahay inay u muuqan doonto shaxda Barcelona marka lagu daro saxiixooda cusub ee Umtiti, waana labo shax ee adiga midee baa kula wacan?:-

Umtiti oo ka ciyaaraya booska daafaca dhexe:-

umtiticentraldefender_15ydd6a5dbidl1aut2lhwblzz0

Umtiti oo ka ciyaaraha booska daafaca bidix:-

umtitileftback_18l3g9f0u0w7z1kqn6xameu2jb

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close