Daafaca Liverpool ee Mamadou Sakho oo dhaawac ku seegi kara bilowga xilli ciyaareedka cusub

Sakho

(Liverpool) 13 Luuliyo 2016 –  Daafaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mamadou Sakho ayaa dhaawac seedda dambe ee lugta ah ku seegi kara bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Sakho ayaa ku dhawaa inuu dib ugu soo laabto safka hore ee kooxda tababare Jurgen Klopp, laakiin macallinka reer Jarmal ayaa daaha ka qaaday in daafacan dhexe ay suuro-gal tahay inuu bil kale tababar sameeyo si uu uga soo kabsado dhaawac uu ku ciyaaray xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Waxa uu xusay tababaraha Liverpool Jurgen Klopp in xiddigan uusan u baahnayn wax qalliin ah oo lagu sameeyo, balse uu u baahan yahay kaliya saddex ama afar usbuuc oo uu tababar qaato si uu u soo kabsado.

Mamadou Sakho ayay u badan tahay inuu seegi doono bilowga xilli ciyaareedka cusub kulamada ay ciyaarayso kooxdiisa Liverpool, laakiin macallin Klopp ayaa ku adkaysanaya inay eegi doonaan hadba sida uu u soo kabto xiddigan oo uu ula jaan qaado kooxda inteeda kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close