Wakiilka Carlos Bacca oo maanta la kulmaya kooxda West Ham United

Bacca

(London) 12 Luulyo 2016 Kooxda West Ham United ayaa wali ku howlan dhamaystirka saxiixa weerar yahanka kooxda AC.Milan ee Carlos Bacca.

Shabakada TuttoMercato ayaa daabacday in West Ham United iyo AC.Milan ay ka heshiiyeen saxiixa 29 jirka reer Colombia ee Carlos Bacca.

AC.Milan iyo West Ham United ayaa ku heshiiyay bixinta aduun dhan 30 milyan oo euro una dhiganta 26 milyan oo Ginni si Bacca uu ugu biiro kooxda reer London xaggaagan.

Wakiilka Bacca ayaa maanta la kulmaya kooxda West Ham si uu ugala heshiiyo shuruuda gaarka ah iyo xiliga uu marayo tijaabada caafimaadka.

Carlos Bacca ayaa ku soo biiray AC.Milan xaggaagii 2015 markaas oo 21 milyan oo Ginni ay uga soo qaateen kooxda Sevilla, wuxuuna u dhaliyay 21 gool xiliciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close