Ryan Giggs oo durba helay shaqo cusub, Ma ahan mid tababaranimo ee kabaha ayuu dib u xiranayaa…(Halkuu ka ciyaari doonaa?)

gigs

(England) 12 Luulyo 2016. Rugcadaagii Man United oo sanado badan kaddib dhawaan isaga tagay kooxda ee Ryan Giggs ayaa kabaha dib u xiranaya isagoona ka soo muuqan doona horyaalka India ee Fuustalka,

Giggs ayaa bishan ka ciyaari doona horyaalka dalka India ee Premier Futsal League.

42-jirka kaa oo ka tagay Man United horaantii bishan 29-sanadood kaddib ayaa dib ula midoobi doona saaxiibkii hore ee Paul Scholes oo isna qeyb ka ah tartanka cusub uu ku biiray oo jimcaha lagu furi doono Chennai iyo Goa.

Ronaldinho, Deco, Michel Salgado iyo Hernan Crespo ayaa sidoo kale ka soo muuqan doona tartankan salaxa ah.

Legendary Brazilian playmaker Ronaldinho has also signed up as a marquee player for the competition

Dadka qaban qaabinaya tartakan ayaa sidoo kale ballan qaaday in saxiixyo kale oo waa wayn ay wadada ku soo jiraan. Koobka ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona sideed magaalo oo India laga bilaabo 15-July ilaa 24-July.

Tartankan Fuustalka ee lagu galayo 5-ta laacib ayaa 20-daqiiqaba la kala mari doonaa waxaana tartankan madax ka ah laacibkii hore ee Real Madrid iyo Barcelona Luis Figo.

Ex-Real Madrid and Barcelona midfielder Luis Figo is president of the franchise-based sporting competition

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close