Real Madrid oo badalka Pogba ka raadinaysa horyaalka heerka labaad ee ingiriiska

(Madrid) 12 Luulyo 2016 Tababare Zidane ayaa isaga haray doonista laacibka kooxda Juventus ee Paul Pogba kaas oo qarka usaaran inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Man United.

Shabakada dalka Spain ee Fichajes ayaa daaha ka qaaday in tababare Zidane uu diirada saartay laacibka qadka dhexe ee kooxda Newcastle United Moussa Sissoko.

Laacib kaan ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xulkiisa France kulamadii ugu danbeeyay ee koobka qaramada qaarada yurub, kooxdiisa ayaana ku doonaysa aduun dhan 35 milyan oo Ginni.

Photo published for El precio de Sissoko se dispara tras la Euro

Qiimaha qaaliga ah ee Juventus ay ku doonayso Pogba ayaa ku kaliftay Real Madrid inay u dhaqaaqdo xiddiga Newcastle United ee Sissoko.

Real Madrid ayaa ogolaasho ka sugaysa tababaraheedii hore ee Rafa Benitez kaas oo haatan ah tababaraha kooxda Newcastle United oo u dhacday horyaalka heerka labaad ee ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close