RASMI: Willian oo heshiis dheer qalinka ugu duugay Chelsea

wi

(London) 12 Luulyo 2016. Willian ayaa heshiis afar sano ah u saxiixay kooxdiisa Chelsea taa oo micnaheedu tahay inuu Stamford Bridge baaqi ku sii ahaan doono ilaa 2020.

Blues ayaa la soo saxiixatay dhawaan Michy Batshuayi laakiin heshiiska cusub uu saxiixay wiilka reer Brazil ayaa ah talaabadii ugu wayneyd uu qaaday tababaraha cusub ee Chelsea Antonio Conte tan iyo sidii uu maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Chelsea.

Willian ayaa noqday laacibkii ugu fiicnaa Chelsea kal ciyaareedkii la soo dhaafay inkastoo kooxda reer London ay u dul qaadatay xilli ciyaareed aad u liita.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan heshiis cusub u saxiixo Chelsea,” Willian ayaa sidaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee Blues.

“Waa riyo inaan kooxda ka sii mid ahaado, afarta sano ee soo socotana waxaan isku dayi doonaa inaan kooxda ka caawiyo inay ku guuleysato koobab badan.

“Waqti cajiib ayuu ii ahaa tan iyo sidaan ugu soo biiray kooxda saddex sano ka hor, waxaan ku guuleystay koobab xilli ciyaareedkii la soo dhaafayna waxaa la ii magacaabay xiddiga sanadka ee Chelsea.

“Waxaan rajeynayaa inaan heerkaa sii joogo inta lagu guda jiro xilli ciyaareedyada soo socda guulo badanna aan gaaro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close