RASMI: Mauro Tassotti oo Milan macasalaameeyay kaddib 37 sano

(Milano) 12 Luulyo 2016 – AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu kooxda iskaga tegey macallin-xigeenkii hore ee Mauro Tassotti kaddib 37 sano oo uu kooxda usoo qabtay doorar kala duwan.

Wuxuu markii hore kooxda ugasoo ciyaaray daafaca isagoo ka tirsanaa kooxdii uu kacaamiyey Arrigo Sacchi ee ku caanka baxday magaca Grande Milan, wuxuu sidoo kale muddo dheer ahaa macallin-xigeen isagoo la shaqeeyay Carlo Ancelotti iyo Max Allegri kahor intii aanu noqon nin kooxda usoo indha indheeya laacibiinta soo baxaysa.

Haatan, Tassotti wuxuu isagoo ku qanacsan si rasmi ah u baabi’iyey qandaraaskiisa, kaasoo dhici lahaa Juunyo 2017, ninkii madaxda ka ahaa qaybta da’yarta ee Andrea Maldera ayaa isaguna ka tegey Milan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close