RASMI: Barcelona oo dhammeystirtay saxiixa Samuel Umtiti

OFFICIAL: Barcelona complete Umtiti signing

(Catalonia) 12 Luulyo 2016. Barcelona ayaa dhammeystirtay saxiixeeda daafaca dhexe ee kooxda Lyon Samuel Umtiti kaddib markii uu daafaca reer France ogolaaday heshiis shan sano uu ku joogayo gegada Camp Nou.

Daafaca reer France ayaa ugu soo dhaqaaqay Barca adduun dhan 25-milyan oo euro iyadoona heshiiskiisa qeyb looga dhigay 60-milyan oo euro oo lagu bur-burin karo qandaraaskiisa.

Umtiti ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay Lyon 2011 wuxuuna ka soo muuqday kooxa 170-kulan isagoona kula guuleystay kooxda ka dhisan Ligue 1 Coupe de France iyo Trophee des Champions.

barca

22-jirka ayaa sidoo kale Frnace kula guuleystay koobka adduunka ee 20-jirada 2013-kii, saddex kulan ayuuna u saftay xulka Faransiiska ee waa waynka, 90-daqiiqo ayuu dhammeystay kulamadii Iceland iyo Germany iyo 120-kii daqiiqo ee ciyaartii Finalka ay la yeesheen Portugal Euro 2016.

Umtiti ayaa tijaabada caafimaad jimacaha u mari doona Barca ka hor inta aan loo soo bandhigin sida ciyaaryahan Barcelona ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close