Madaxweynaha Faransiiska oo qasrigiisa ku qaabilay xiddigaha xulkiisa qaranka ee kaalinta labaad ka galay koobka qarammada Yurub + Sawirro

(Paris) 12 Luuliyo 2016 – Madaxweynaha Waddanka Faransiiska ee Francois Hollande ayaa qarsiga madaxtooyada dalkiisa ku qaabilay xiddigaha xulkiisa qaranka France, kaddib markii ay kaalinta labaad ka galeen EURO 2016, isla markaana ay isi soo taageen final-ka.

Inkastoo ay guuldarro 1-0 kala kulmeen Portugal, haddana madaxweynaha Faransiiska ee Francois Hollande ayaa si wayn u soo dhaweeyey, dhiiri geliyey, ugana mahad celiyey dadaalkii ay bixiyeen xiddigaha xulka qarankiisa France.

Francois Hollande ayaa ciyaartoyda xulka qarankiisa ku qaabilay Elysee Palace oo ah xarunta rasmiga ah ee uu dagan yahay, waxaana uu xiddigaha dalkiisa ku dhiiro galiyay in aysan rajo dhigin, isla markaana ay sii wadaan dadaalkii ay ka muujiyeen Euro 2016, isagoo uga mahad celiyey faraxaddii ay siiyeen dad waynaha reer France wixii ka horreeyey kulankii final-ka koobka qarammada Yurub.

SAWIRRO:

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close