Juventus oo saxaafadda u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Miralem Pjanic…(Laacibka oo doortay No.5, isla markaana sheegay sababta uu Lambarkaas u xirtay)+SAWIRRO

(Turino) 12 Luulyo 2016. Kooxa lagu naaneyso marwada duqda ah ee Juventus ayaa saxaafadda markii ugu horreysay maanta u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Miralem Pjanic.
Pjanic ayaa doortay inuu kooxdiisa cusub u xirto Lambarka 5-aad, mar wax laga waydiiyay sababta uu u doortay laacibka ayaa ku jawaabay: “Waxaan xiran doonaa No. 5. Zidane ayaa ahaa geesigeyga iyo midkaan ku dayado isagaana xiran jiray Lambarkaa, waan ku farxi doonaa inaan xirto lambarkaas.”.
SAWIRRO:
Gool FM.