Bastian Schweinsteiger oo la aqal galay xiddigtii uu calmaday….(SAWIRRO XUL AH)

(Italy) 12 Luulyo 2016. Xiddiga xulka Germany iyo kooxda Man United Bastian Schweinsteiger ayay maanta kaga duwan tahay maalmihii hore maadaama uu aqal galay.
Schweinsteiger ayaa la aqal galay laacibadda ciyaarta Teeniska ee Ana Ivanovic iyagoo aqal galkoodu ka dhacay hoolka Venice City ee dalka Talyaaniga oo marti galiye u ahaa aroosyada tan iyo 1990-kii.
Lamaanahan ugu dambeyn arooskoodu dhacay maanta ayaa xiriirkoodu soo jiray ilaa 2014-tii.
Waalidka aroosadda ee Miroslav iyo Dragana ayaa goob joog ahaa sidoo kale aabaha Schweinsteiger iyo walaalkii ka wayn ee Tobias.
SAWIRRO:
















Gool FM.