Arsenal oo €30m ku doonaysa daafaca Daniele Rugani

(London) 12 Luulyo 2016 – Juventus ayaa diiddey €30m oo euro oo ay Arsenal kaga doonaysey daafaca qaranka 21-jirrada Talyaaniga ee Daniele Rugani.

Calciomercato.it ayaa sheegaya in Gunners ay tillaabadan qaadday jeer ay Everton ay wada xaajood meel wanaagsan maraya ay kula jirto daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly.

Yeelkeede, Juve ayay ka go’an tahay inay sii haystaan Rugani oo ay u arkaan mustaqbalka kooxda iyo xulka Talyaaniga.

Kooxo kale oo horay u doonayey Rugani ayaa miinka laga cuskaday waxayna u muuqataa inay Arsenal isla jidkaa marayso.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close