Antoine Griezmann oo labo abaal-marin ku guuleystay… (Waxa qaaday gool dhalinta koobka qarammada Yurub, isagoo sidoo kale loo doortay…)

(Madrid) 12 Luuliyo 2016 – Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ku guuleystay labo abaal-marin oo kala duwan, isagoo qaaday gooldhalinta koobka qarammada Yurub, sidoo kale loo doortay laacibkii ugu fiicnaa tartanka Euro 2016.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa gooldhalinta Euro 2016 ku qaaday 6 gool, isagoo kaga guuleystay xiddigo ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo iyo Dimitri Payet, waxaana uu Griezmann ka sameeyey tartanka Euro 2 caawin.

CnGSKdGWcAAEOum

Dhanka kale Antoine Griezmann waxa uu ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa tartanka Euro 2016, (Euro 2016 Player of the Tournament).

UEFA ayaa ku dhawaaqday in 25 sano jirkaan ay abaal-marintan u codeeyeen 13 xubno farsamo oo ay ku jiraan Sir Alex Ferguson iyo David Moyes.

Griezmann ayaa heshiis waqti dheer u saxiixay kooxdiisa Atletico Madrid bishii June ee tagtay, waxaana uu 6 gool ku qaaday haatan Kobta dahabka ah ee koobka qarammada Yurub 2016.

CnFAcsjWAAAOGvr

Laacibka khadka dhexe ee xulka qaranka Portugal Renato Sanches ayaa isna loo magacaabay da’yarkii ugu fiicnaa tartanka EURO 2016.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close