Wakiilka Pogba oo niyad jabiyay United: Juventus diyaar uma ahan inay iska iibiso Pogba”

pogba1

(Manchester) 11 Luulyo 2016 Wakiilka laacibka kooxda Juventus ee Paul Pogba ayaa ka dhawaajiyay war aan u wanaagsanayn kooxda uu hogaamiyo tababare Jose Mourinho ee Man United.

Mino Raiola ayaa sheegay in Juventus ay diyaar utahay inay sii haysato laacibkeeda isla markaana ay ka saxiixdo heshiis cusub.

Maalmo ka hor ayeey ahayd markii AS ay daabacday in Man United ay diyaar u tahay inay 120 milyan oo euro ku dalbato laacibka xulka France ee Paul Pogba.

“Man United waxay xiisaynaysaa saxiixiisa, laakiin Juventus waxay lamidtahay sida kooxaha kale ee ugu tunka wayn yurub, mana doonayso inay iska iibiso ciyaartoydeeda ugu fiican” ayuu yiri Pogba.

“Juventus ma doonayso inay iska iibiso Pogba, waxayna doonayaan inay ka saxiixaan heshiis cusub” ayuu sii raaciyay wakiilka Pogba.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close