SAWIRRO: Xulka Portugal oo si heer qaran ah loogusoo dhoweeyay Lisbon (Miigag ka qayb galay gelbintooda)

(Lisbon) 11 Luulyo 2016 – Maalin uun kaddib markii ay hanteen Koobka Qaramada Yurub ee UEFA EURO 2016, waxaa xulka Portugal si aan caadi ahayn loogusoo dhoweeyay caasimadda Lisbon, jeer uu madaxwaynaha dalkaasi ee Marcelo Rebelo de Sousa uu hoggaaminayey maamuuska wiilasaha Fernando Santos.

Kaagada darane, xulka ayaa waxaa gelbinayey dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee F-16 oo ka tirsan ciidamada cirka dalkaasi, iyadoo ay dayuuraddii siddey xulka Portugal ay gaartey garoonka caalamiga ah ee Lisbon ee Humberto Delgado Airport, iyadoo la arkayey dayuuradaha oo hawada ku shaqlaya midabada xulka Portugal, sidoo kalana dab-demisyada ayaa midabada calanka dalkaasi ugu qubeeyay dayuuraddii keentay xulka.

Kabtan Cristiano Ronaldo iyo kaabbaha xulka oo ah Fernando Santos ayaa ugusoo hor degey iyadoo sameecadihii garoonka laga shiday heesta MINHA CASINHA ama gurigayga yarka ah oo ahayd heestii rasmiga ahayd ee uu xulku ku heesayey xilligii Faransiiska.

Kaddib laba bas oo dusha ka furan ayaa xulka u qaaday madaxtooyada dalkaasi ee Palácio de Belém, iyadoo uu Ronaldo xiran yahay calanka jasiiraddiisa Madeira oo qoorta ugu duubnayd iyo calanka Portugal oo dhexda ugu xirnaa.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close