SAWIRRO: Xasan Afgooye, Macaani, Bile, iyo Xasan Siidoow oo kasoo dhex muuqday tababarka kooxda Dekedda ay isugu diyaarineyso xilli ciyaareedka soosocda

IMG_1481

(Muqdisho) 11 Luulyo 2016- Kooxda kubadda cagta ee Dekedda ayaa si rasmi ah u bilaawday tababarkii ugu horeyeeyay oo ay  isugu diyaarineyso horyaalka heerka koowaad ee furmi doona dabayaaqada sanadkan.

Dekedda ayaa sanadkaan lasoo wareegtay ciyaaryahano dhowr ah oo ay ka keensatay Elman, Iyo Saxafi fc, oo qeyb ka ah kooxaha Soomaaliya laga qadariyo.

Macalinka hogaamiya Kooxda Dekedda Cabdi Joon oo la hadlay Gool FM ayaa yiri” xilli ciyaareedka furmi doono waxaan dooneynaa in aan ku guuleysano horyaalka soomaaliya, Dekedda waa koox awood badan waxaana jooga ciyaaryahano badan oo tayo leh, waxaan la soo wareegnay dhoor ciyaaryahan oo aan rabno in aan ku shir tagno xilli ciyaareedka billaaban doono.

Ciyaaryahanada Axmed Xasan Macaani, Xasan Afgooye, Xasan Siidow Hiloowle iyo Bile Muxudiin Buraale oo qeyb ka ah Saxiixyada cusub ee kooxda ayaa kazoo dhex muuqday tababarkii saakay.

Sikastaba tan iyo markii uu qabtay  xilka tababaranimo ee kooxda Dekedda macallin Cabdi Joon ayaa naadiga waxaa laga dareemay is bedel weyn iyadoo sanadkii lasoo dhaafay naadiga ay  kaalinta labaad ka gashay horyaalka Soomaaliya.

                                               DAAWO SAWIRRADA

IMG_1493IMG_1494IMG_1492IMG_1491IMG_1485IMG_1488IMG_1483IMG_1482IMG_1481IMG_1480IMG_1495IMG_1547IMG_1546IMG_1550IMG_1554IMG_1555IMG_1557IMG_1558IMG_1559 IMG_1561IMG_1563 IMG_1565IMG_1566IMG_1581IMG_1612IMG_1599IMG_1609IMG_1626IMG_1630IMG_1630IMG_1621IMG_1623IMG_1687IMG_1675IMG_1694IMG_1668IMG_1631

W/D: Cabdi Fitaah Cabdi Rashiid Nani

Xuquuqda Sawirrada:Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close