SAWIRRO & MUUQAAL: Kooxda Luzern oo ku guuleysatay Koobka Ramadanka ee wadanka Switzerland

(Luzern) 11 Luulyo 2016 – Tartan aad u xiiso badan oo kubadda cagta ah laguna maamuusayey bisha Barakeysan ee Ramadaan oo kasocday magalada Luzern ee wadanka Switzerland ayaa shalay lasoo gabagabeeyey.

Tartankan oo ay ka qayb galayeen 8 kooxood oo loo qaybiyey 2 group A iyo B  ayaa waxaa Group A kuwada jiray kooxaha Uri, Luzern A, Zürich B iyo Graubunden, halka Group B ay kuwada jireen kooxaha kala ahaa Zug, Luzern B, Schwyz iyo Zürich A.

Ramadan cup ka sanadkan lagu qabtay magaalada  luzern ayaa ahaa mid aad uxiiso badan isla markaana ay garoonka maalmaha la ciyaaro sida cadiga ah Sabdiga iyo Axada ay garoonka soo buux dhaafiyaan taageero yaal aad u xamaasadaysay oo kala taageerayo kooxohooda ,sidoo kale waxaa sanadkan tartan ka kasoo qayb galay Ciyaaryahay Siciid Maxamed Maxamuud (Siciidow) oo ah ciyaartoy  magac ku leh kubada cagta una soo ciyaaray kooxdii Elman iyo xulka qaranka Somalia  kaasi oo u ciyaarayey kooxda ku guuleysatay tartanka ee Luzern .

Intii uu socday tartanka ayaa lagu bixiyey billado kala duwan waxaana  la siiyey xiddiggii ugu fiicnaa  kabtankii kooxdii ku ciyaaraysay magaca Zug Xasan Cadow kaasi oo sanadkii 2aad oo xiriir ah ku guuleysataaytey xiddiggii ugu fiicnaa koobka, sidoo kale waxaa gool dhalinta ku guuleystay Ayaanle Axmed Warsame oo ahaa kabtankii kooxdii ku ciyaaraysay magaca Luzern A ee ayadu hanatay tartanka sanadkaan.

Ugu dambeyntii waxaa tartanka sanadkaan ciyaartii kama danbeystay isugu soo baxay kooxaha uu xifaaltanka ba’an ka dhexeeyo ee Luzern A iyo Zürich B  kuwaas oo nasiib u yeeshay in ay ciyaarta finalka ku wada ciyaaraan magalada Luzern malintii shalay taasi uu kusoo gaba gabowday Luzern 8 vs Zürich 4 halkaana ay koobkii quruxda badnaa ay ku guuleysteen wiilashii ku ciyaarayey magaca magalada Luzern, halka ay koobkii  kalinta 2 aad ay ku guuleysteen Zürich B waxaana sidoo kale kalintii  3-aad gashay kooxdii ku ciyaareysay Luzern B.

Waxaa xusid mudan in tartanku uu yahay mid sanadle ah isla markaana sanadkii lasoo dhaafay ay ku guuleysteen Zürich oo sanadkana timid Final-ka, tartankan oo ah mid loogu tala galay is dhexgalka dhalinyarada ayna soo abaabulaan gudi isku xilsaaray horumarinta isboortiga iyo ciyaaraha wadanka Swiss-ka kaasi uu gudoomiye u yahay Macalin Cabdi wali oo ah madaale aan ka caajisin horumarinta kubada cagta iyo ururinta ciyaartoyda mustaqbalka leh, ayaa kusoo gaba gabooyey jawi aad u macaan sanadkan iyadoona ay kasoo bexeen ciyaartooy aad u fir fircoon oo leh mustaqbal ifaya.

Hoos ka DAAWO Video.

https://www.youtube.com/watch?v=sdEGsOyaf9o&feature=youtu.be

b b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7 b8 b10 b11 b12

b9

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close