Kooxaha ugu tunka wayn talyaaniga oo Arsenal kula loolamaya saxiixa Moussa Sissoko

(London) 11 Luulyo 2016 Moussa Sissoko ayaa xalay soo jiitay indhaha kooxo badan oo ka dhisan qaarada yurub kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah qaybtii hore ee Final-ka Euro 2016.

L’Equipe ayaa sheegaysa in kooxaha AC.Milan iyo Juventus ay Arsenal kula loolamayaan saxiixa laacibka qadka dhexe ee xulka France Moussa Sissoko kaas oo heshiiskiisa Newcastle United uu dhacayo 2019.

Kooxda ka dhisan caasimada talyaaniga ee Roma ayaa horay loola xiriiriyay 26 jirka reer France ee Sissoko laakiin dib ayeey uga gurteen saxiixiisa waqtiyadii u danbeeyay.

Tababare Wenger ayaa la dhacay qaab ciyaareedka Moussa Sissoko kulamadii ugu danbeeyay ee koobka qaramada qaarada yurub uu u saftay xulkiisa, waxaana la filayaa inuu dalab rasmi ah ka gudbiyo.

Newcastle United ayaa ku doonaysa laacib keeda 35 milyan oo Ginni, maadama uu doonayo inuu ku biiro koox ka ciyaaraysa Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close