Juan Mata oo looga gacanhaatinayo Spain kadib markii uu kabaxay xisaabta Jose Mourinho

(Manchester) 11 Luulyo 2016 Kubadd abuuraha reer Spain ee Juan Mata ayaa looga gacan haatinayaa dalkiisa hooyo kadib markii uu ka baxay liiska ciyaartoyda uu doonayo tababare Jose Mourinho.

Kooxda Villarreal ee dalka Spain ayaa doonaysa inay badbaadiso mustaqbalka 28 jirka reer Spain kaas oo United ay suuqa dhigtay kadib markii uu yimid tababaraha reer Portugal ee Mourinho oo aan ku qanacsanayn qaab ciyaareedkiisa.

Villarreal ayaa amaah hal xiliciyaareed ah ku doonaysa Juan Mata sida ay shaacisay Super Deporte laakiin United ayaa doonaysa inay iskawada fasaxdo laacibka reer Spain.

Man United ayaa ku qiimaysay laacibkeeda ku fadhiya qiimaha qaaliga ah aduun dhan 20 milyan oo Ginni si ay ugu ogolaato ka tagista Old Trafford suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Kooxda reer Spain ayaa loolan ku aadan saxiixa Juan Mata kala kulmaysa kooxaha Everton, Juventus iyo Inter Milan oo dhamaantood doonaya saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close