Yuu taageeri doonaa Gareth Bale kulanka caawa ee Final-ka Euro 2016?

bale2

(Paris) 10 Luulyo 2016 Laacibka xulka qaranka Wales ee Gareth Bale ayaa caawa indhaha ka daawanaya kulanka kama danbaysta ee koobka qaramada qaarada yurub.

Bale ayaa xulkiisa la doonayay inuu gaarsiiyo Final-ka Euro 2016 laakiin guul daro 2-0 ah oo ka soo gaartay Portugal ayaa keentay inay isaga haraan koobka.

26 jirka reer Wales ayaa guul u rajeeyay asxaabtiisa ay isku kooxda yihiin ee Ronaldo iyo Pepe isaga oo caawa u sacabtumi doona xulkii reebay ee Portugal.

“Nasiib wacan ayaan u rajaynayaa asxaabtayda Real Madrid ee Ronaldo iyo Pepe” ayuu ku soo qoray Boggiisa Instagram-ka.

Ciyaarta ayaa goor dhaw ka bilaaban doonta garoonka xulka qaranka France ee Stade de France kaas oo qaadkiisu ka badanyahay 81 kun oo taageere.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close