West Ham United iyo AC.Milan oo ka heshiiyay iibka Carlos Bacca

(London) 10 Luulyo 2016 Kooxaha West Ham United iyo AC.Milan ayaa ka heshiiyay iibka weerar yahanka reer Colombia ee Carlos Bacca kaas oo kaliya hal xiliciyaareed ku qaatay San Siro.

Shabakada TuttoMercato ayaa baahisay in kooxda West Ham United ay heshiis lagaartay dhigeeda AC.Milan kaas oo ku aadan saxiixa 29 jirka weerarka uga ciyaara ee Carlos Bacca.

West Ham United ayaa ogolaatay inay bixiso aduun dhan 27 milyan oo euro si ay ula wareegto Bacca oo ah bartilmaameedkooda koowaad ee suuqa kala iibsiga xaggaagan.

Caqabada kaliya ee hortaagan saxiixa Bacca uu ugu biirayo West Ham ayaa ah mushaarka, laacibka ayaa doonaya in isbuucii uu qaato aduun dhan 120 kun oo Ginni taas oo ay ka caga jiidayso kooxda reer ingiriis.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close