Ka hor kulanka final-ka caawa ee EURO 2016, waa kuwee xiddigaha ugu safashada badan xulka qaranka Portugal?

CnAfSHzWcAEfLkW

(Lisbon) 10 Luuliyo 2016 – Kulanka kama dambaysta ee koobka qarammada Yurub ayaa caawa waxaa wada ciyaari doona xulka Portugal iyo waddanka marti gelinaya sanadkan tartanka ee Faransiiska.

Haddaba waxaynu eegeynaa xiddigaha ugu safashada badan xulka qaranka Portugal ama ciyaaraha ugu badan u dheelay xulkaas.

Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu safashada badan xulka qaranka Portugal, waxaana uu xulkiisa u ciyaaray 132 kulan.

Xiddigii hore ee xulka Portugal Luís Figo ayaa isaguna ah xiddiga labaad ee ugu safashada badan xulka waxaana uu u saftay xulkan 127 kulan, halka Fernando Couto uu xulka u ciyaaray 110 kulan uuna yahay xiddiga saddexaad ee ugu safarashada badan xulka qaranka Portugal.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 10-ka xiddig ee ugu safarashada badan xulka qaranka Portugal:-

Cristiano Ronaldo – 132

Luís Figo – 127

Fernando Couto – 110

Nani – 102

Rui Costa – 94

Ricardo Carvalho – 89

João Moutinho – 89

Pauleta – 88

Bruno Alves – 86

Simão – 85

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close