Hooyada dhashay Ronaldo oo ka xumaatay qaabkii wiilkeeda uu uga baxay Final-ka Euro 2016

(Portugal) 11 Luulyo 2016 Hooyada dhashay kabtanka xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ka xumaatay qaabkii uu garoonka uga baxay wiilkeeda Final-ka Euro 2016.

Dolores Aveiro ayaa sheegtay inay ka xuntahay aragtida wiilkeeda oo si uusan jeclaysan uga baxaya garoonka xili uu ku rajo waynaa inuu xulkiisa u qaado koobka qaramada qaarada yurub.

“Ma awoodo inaan arko wiilkayga oo sidaas ah (ooyinta iyo murugada), Kubadda cagta waa inaad laadaa kubadda ee ma ahan inaad dhibaatayso ciyaartoyda kaa soo horjeeda” ayeey ku soo qortay Boggeeda Twitter-ka.

Ronaldo ayaa dib ugu soo laabtay kursiga keydka ee xulkiisa isaga oo taageere wayn banaanka uga muujinaya ciyaartoyda xulkiisa maadama ciyaartu ay walitahay 0-0.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close