HAMBALYO: Portugal oo hanatay Koobka Qaramada Yurub + Sawirro

(Paris) 10 Luulyo 2016 – Xulka Portugal ayaa hantay Koobka Qaramada Yurub ee 2016 kaddib markii ay 1-0 uga badiyeen xulkii martida loo ahaa ee Faransiiska.

Xulka Portugal oo ka niyad jabay dhaawicii Ronaldo ayaa ka noolaaday isagoo 120 daqiiqo u babac dhigay xulka Faransiiska oo ah xul had iyo goor ka adkaa.

Goolka madiga ah waxaa Faransiiska gelinkii dambe ee 30-kii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray waxaa u dhaliyey Eder, kaasoo noqday goolkii ugu muhiimsanaa taariikhda xulka Portugal.

Xulka Portugal oo hantay koobkii ugu horreeyay ee wayn ayaa sidaa taariikhda ku galay inuu ka mid noqday safka horey ugu guulaystey koobka Qaramada YURUB.

b1

b23 b20 b19 b18 b17

b29 b24 b b27 b25

b b3 b5 b6 b7 b8 b10

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close