Gareth Bale oo durbaba ka soo hadlay dhaawicii soo gaaray saaxiibkiis Ronaldo

(Paris) 10 Luulyo 2016 Laacibka xulka qaranka Wales iyo Real Madrid ee Gareth Bale ayaa ka xumaaday dhaawicii soo gaaray saaxiibkiis Cristiano Ronaldo kaas oo laga saaray ciyaarta.

Ronaldo ayeey jug culus soo gaartay xili uu kubadda kula dagaalamayay kubadd sameeyaha xulka France ee Payet taas ayaana keentay inuu isaga baxo garoonka daqiiqadii 24-aad.

Gareth Bale ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Ronaldo uu sidaas niyad jabka leh uga baxo garoonka, wuxuuna rajeeyay in xaalkiisu uusan noqon mid liita.

“Waa ceeb inaan aragno Ronaldo oo sidaas uga baxaya garoonka, waxaan rajaynayaa in xaalku uusan sii xumaan” ayuu ku soo qoray Boggiisa Twitter-ka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close