Barcelona oo badalka Alves ka raadinaysa kooxda Liverpool

England star offered in shock Barca transfer as he's unhappy at Liverpool

(Barcelona) 10 Luulyo 2016 Wararka ka imaanaya ingiriiska ayaa sheegaya in kooxda Barcelona oo baadigoobaysa badalka Dani Alves ay diirada saaratay daafaca Liverpool ee Nathaniel Clyne.

Sida laga soo xigtay Sunday Times Barcelona ayaa doonaysa daafaca xulka ingiriiska iyo kooxda Liverpool ee Nathaniel Clyne si uu u buuxiyo booskii uu baneeyay Dani Alves oo dhawaantaan ku biiray Juventus.

Nathaniel Clyne ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda Southampton suuqii xaggaaga ee 2015, wuxuuna u saftay kooxdiisa Liverpool 52 kulan taas oo ka dhigtay laacib muhiim u ah kooxda Reds.

25 jirka reer ingiriis ayaa danaynaya inuu isaga tago kooxda Liverpool, kadib markii uu dareemay inuusan ku faraxsanayn Liverpool tan iyo markii uu yimid tababaraha reer German ee Jurgen Klopp.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close