Blaise Matuidi oo saaxiibkiis Griezmann u saadaaliyay hanashada Ballon d’Or

(Paris) 09 Luulyo 2016 Laacibka qadka dhexe ee xulka France iyo kooxda PSG ee Blaise Matuidi ayaa ka hadlay kulanka Final-ka ee habeen dambe ay laciyaari doonaan xulka Portugal.

Blaise Matuidi ayaa sheegay in labada xulba ay haystaan fursad ay ugu guulaysan karaan Euro 2016, wuxuuna sheegay in saaxiibkiis Griezmann uu u qalmo ku guulaysiga Ballon d’Or.

“Kulanka Portugal waa mid aad u adag, ma aaminsani in xulka France uu ugu cadcadyahay ku guulaysiga koobka waayo Portugal kulamo cajiib ah ayeey soo bandhigayaan ilaa haatan” ayuu yiri Blaise Matuidi.

Photo published for Antoine Griezmann Explains Euro 2016 Goal Celebrations

Xili uu ka hadlay abaal marinta laacibka ugu fiican aduunka ee Ballon d’Or ayuu yiri Blaise Matuidi:

“Waxaan aaminsanahay in Griezmann uu yahay laacibka ku haboon hanashada Ballon d’Or, haddii aan codaynayo dabcan waxaan codkayga siin lahaa Griezmann”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close