Barayaal ka socda FIFA oo siminaar u furay garsoorayaal Soomaaliyeed + Sawirro

IMG_7481

(Muqdisho) 09 Luuliyo 2016 –Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Siminaar heerkiisu sareeyo kaasoo sare loogu qaadayo tayada garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Siminaarkaan ayaa waxaa bixinaya barayaal ka socodo FIFA oo kala ah MR Felix oo ka yimid  Zimbabwi iyo Maxamed Xuseen oo Jabuuti ka socda.

Waxaa goobta laga jeediyay qudbado kala duwan oo lagu dhiiro gelinayao garosoorayaasha da’da yar ee loo qabtay Siminaarka.

Waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta  soomaaliya C/qani saciid carab isagoo u mahad celiyay barayaasha FIFA ee bixinaya aqoon kororsiga, waxaana dhanka kale ugu baaqay garsoorayaasha in ay ka faa ideystaan aqoon kororsiga loo qabtay.

Geesta kale MR Felix  ayaa dhankiisa  sheegay in uu arko garsoorayaal da’yar oo waliba waqti u heysta in ay meel wacan ka gaaraan mustaqbalkooda, waxa uuna Sooomaaliya ku aamanay tayada ay gaarsiisan tahay heerka garsoorka.

Ugu dambeyn Wasiirka wasaarada dhalinyarda iyo  Sporiga Maxamed C/laahi Nuux  ayaa ku amaanay xiriirka kubadda cagta in dalkooda ay ku qabsadaan siminaaradii  dibadda ay u aadi jireen, waxa uuna si toos ah u furay Siminaarka kaasoo socon doono ilaa 13-bishaan.

Sikastaba  Waa markii sadexaad oo Siminaar nuucaan ah lagu qabto Soomaaliya, waxaana ka qeyb qaadaneysa  30 garsoore oo isugu jiro  heer caalami, heerka koowaad,labaad iyo Saddexaad.

                                              DAAWO SAWIRRADA

IMG_7391IMG_7412IMG_7456IMG_7454IMG_7415IMG_7470IMG_7474IMG_7477IMG_7481

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close