AC Milan oo 20 milyan & Suso ku doonaysa Meteo Musacchio

(Milano) 09 Luulyo 2016 – Kooxda AC Milan 20 milyan u gaartey daafaca Meteo Musacchio sida uu werinayo Tuttosport balse waxaa jirta caqabad.

Kooxda Villarreal ayaa waydiisanaysa 30 milyan oo euro oo ay ku bixinayso laacibka Talyaani-Argentine-ka ah ee 25-jirka ah.

Kooxda Rossoneri ayaa la sheegayaa inaysan dhaafi doonin 20 milyan, iyadoo la hadal hayo in uu Galliani u duuli doono Spain si uu heshiiska usoo dhamays tiro, waxaa kale oo la sheegayaa inay Milan 20 milyan raacin doonto Suso.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close