Xiriirka kubadda cagta Germany oo ka hadlay mustaqbalka tababare Joachim Low kadib guul daradii ka soo gaartay France

(Berlin) 08 Luulyo 2016 Xiriirka kubadda cagta dalka Germany ayaa sheegay in tababare Joachim Low uu sii ahaanayo tababaraha xulka qaranka koobka aduunka ee 2018.

Xulka qaranka Germany ayaa xalay laga reebay Euro 2016 kadib markii loogu awood sheegtay 2-0, laakiin xiriirka ayaa sheegay in Joachim Low uu difaacan doono koobka aduunka ee 2018.

“Haatan waxaan xooga saaraynaa hadafkeena xiga, waana inaan difaacano koobka aduunka ee 2018, Low wuxuu u baahanyahay waqti uu ku falanqeeyo wax qabadkii xulkiisa ee Euro 2016” ayuu yiri madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta Jarmalka.

“Wuxuu ku guulaystay koobkii aduunka ee 2014, xaqiiqdii wuxuu aad u doonayaa inuu difaacdo koobkaas, waxaan jeclahay inuu la sii joogo xulka”.

Dhanka kale tababare Joachim Low oo arinkaas wax laga waydiiyay kadib kulankii xalay ayaa yiri:

“Ma awoodo inaan sii qiyaaso waxa dhici doona barri, wali waxaan la dhibtoonayaa niyad jab, caawa kama fikirayo arinkaas”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close