MOURINHO WAXA UU IGA CAAWIYEY IN AAN JOOGO HEERKAN! Aqriso qodobadii ugu muhiimsanaa ee uu Guardiola uga hadlay shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyey isaga oo ah tababare Manchester City……

1467981934232_lc_galleryImage_Manchester_City_manager_P

(Manchester) 08 Luulyo 2016. Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola ayaa maanta shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyey isaga oo ah macalinka Muwaadiniinta ku qabtay Gegida Ethihad.

Hadaba waxaan idiin soo uruurinay su’aalihii ugu muhiimsanaa ee lagu weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey….

Ma tahay caqabadii kuugu weyneyd?

Wey noqon kartaa caqabada ugu weyn maxaa yeelay City kuma guuleysan koobab badan sida Barca ama Bayern. Ma aqaan.

Waa in aad la qabsataa dalka aad joogto. Germany waa ka sameyey halkana waa isku dayi donaa.

Guardiola oo ka hadlaya Jose Mourinho

Ma aha wax ku saabsan aniga iyo isaga. Micno ma leh kooxda, in la guuleysto halkan waa qaab kale. Marar badan ayaan ciyaaro isku food saarnay iyo tababareyaal kale oo sida Jose u weyn, waxa ay iga caawiyeen in aan gaaro heerkan tababare ahaan.

1467978971063_lc_galleryImage_Inter_Milan_s_coach_Jose_

Bandhigyadii Hart iyo Sterling ee Euro 2016

Waxa ku dhacay Sterling –  lacagtii ay ka bixiyeen ayaa mar walba dadka niyada uga jirtay. Laakiin waan ka caawin doonaa si uu na tuso sida uu u wanaagsan yahay.

Barcelona, waxaa asal u ahaa ciyaaryahanada Spain, Bayern, kuwa Germany, halkan waxaa qaali ah ciyaaryahanada Ingiriiska ah. Laakiin waxaan isku dayi doonaa in aan caawiyo.

Tababareyaasha ugu guulaha badan England – Sababta?

Ciyaaryahanada ugu wanaagsan halkan ayey ka imaan karaan. Taageereyaasha garoomada ayey aadaan si ay u arkaan ciyaaryahanada. Ma aqaan ujeedka ay tababareyaasha kale halkan u yimadaan. Ciyaaryahan ahaan laba ilaa iyo saddex jeer ayaan halkan soo gaaray si aan u daawado jawiga iyo aniga oo ah tababaraha Barcelona iyo Bayern, Halkan ayaan imid waxaana dhahay ‘Wow’ Kuma noolaan waligey maalinta Boxingka (Box Day), qabawga, marka ay dabeeshu jirto. Hadafkeyga shaqsiyadeed waa in aan halkan  isku  muujiyo.

Naqshadiisa kubadda cagta

Markii aan imid Bayern Munich, waxaan lahaa aragti aan gudbiyo oo aan haystay ilaa iyo 13 jirkeygii. Taas ugu dambeyn waan bartay, waa in aan la jaan qaado tayada ciyaaryahanadeyda. Tayada aad ayey uga duwaneyd tii aan ku haystay Barcelona.

Waxaan hubaa in England ay gabi’ahaanba ka duwanaan doonto Germany. Tani waa ujeedka aan halkan u imaaday. Waxaan rabaa in aan la jaan qaadsiiyo aragtideyda tayada ciyaaryahanada. Waa in aad mid walba isla hesho waqtiga ugu dhaqsiyaha badan.

Guardiola waxa uu ka yiri  Kompany

Riyadada aan ka qabo Vincent Kompany waa in uu taam yahay. Labadii sano ee tagay kulamo kooban ayuu ciyaaray. Waa kabtanka waxa uuna leeyahay khibrad badan, waa daafaca wanaagsan oo dhexe. Laakiin waa in uu taam ahaadaa.

Wax dalabyo ah oo uga yimi England?

Dhabtii ma aha mid. Waxaan uga mahadcelinayaa kooxda fursada aan halkan imaansheheeda ku helay, dalkan, Manchester City ayaa I siisay fursada, caqabadan waxaana isku dayi doonaa sameyna waxa ugu wanaagsan.

Masuuliyadiisa halkan?

Masuuliyadeyda halkan waa ciyaaryahanada si aan u siiyo wax walba ee ay rabaan.

Waa maxay hadafyada Sheikh Mansour?

Saddex jeer ayaan kulanay. Ma jirin mar uu ila soo qaaday ku guuleysiga Premier League, Champions League. Waxa uu igu yiri ka dhig shaqadaada sida aad tahay. Waxaan dareen sanahay in kooxda taageero lala garab joogto si ay noo siiso waxa aanu rabno.

Dareenkiisii kahor shirka jaraa’id

Mar walba wal wal, waan idinka baqayey! Waxaan sameyn doonaa waxa noogu wanaagsan waana aqaan marka aysan axwaashu wanaagsaneyn, mana caawin doontaan. Wey fiican tahay in aan kala fognahay. Shaqeydiina mid furan ayaad ka dhigtaan, teydana waan furi doonaa.

Ilaa iyo intee ay muhiim yihiin ciyaaryahanada kuliyada?

Wax badan. Barcelona waxaan la shaqeyey kooxda labaad. Markii aan imid koooxda kowad, waan aqaanay dhamaan ciyaaryahanada ee kooxda labaad, saddexaad iyo kooxda afraad.

Waan ogahay Chelsea iyo Man City in ay yihiin kooxaha ugu wanaagsan, waxa ay u dagaalanaan in ay ku guuleystaan tartamada kuliyadaha. Taas waxaan ogaaday toddobaadkii tagay, waxaan la shaqeyey 9 ka mida 19 xiddig ee kuliyada, aad ayaan u maqsuuday.

Tiki Taka England ma suurtagali doontaa?

Tani waa sababta aan halkan u joogo, si aan u muujiyo in aan sameyn karo. Waxaan joogay Barcelona markaas oo aan wax walba haystay iyo ciyaaryahankii ebid ugu fiicnaa, kooxda oo dhana waxa ay ku soo koreen kuliyada, markaa waan aqaanay.

Tani waa tijaabo kale oo waayahayga ah, waa waqtigeygii saxda ahaa ee aan halkan imaan lahaa. Waxaana rabaa in aan sida aad doonayo u ciyaaro.

Tani ma shaqadii kuuu adkeydbaa?

Xaqiiqdii garan maayo. Malaha waa markii aan kooxda labaad ee Barcelona aan qabtay, waa tii ugu adkeyd. Waxa aad u baahan tahay in aad maalin walba badiso. Sida Bayern Munich.

England wey adag tahay in aad aragto koox shan kulan oo xiriir ah badineysa. Taas ayaa ah caqabada waxaana isku dayi doonaa in aan guuleysano oo helno dhibco badan. Waxaan ka fekeraa dadka kooxahayga wax ka dalbada.

Waxaab u tababaran doonaa si aan kulamo badan ee macquul ah u badino. In aad cadaadiska qeyb ka tahay ayaan fiican. Waa in aad fahantaan dareeynka jirkeena uu bixinayo –  malaha, suurtagal ma aha in aan badino maalin walba, laakiin waan isku dayi doonaa.

Guardiola oo ka hadlaya magaalada Manchester

Waa cajiib. Marka aynaan si wanaagsan u ciyaareyn, hadii aan si fiican u dheelno, ma aha agabka waxa sababta u noqonaya.

 

Guardiola oo ka hadlaya bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga ee Man City

Halkani ma aha meesha saxda ah ee lagu sharaxo ka hadalka ciyaaryahanada cusub maadama aan qadarineyno Ciyaartowda iyo kooxaha kale. Waxaad ku ogaan doontaan waqtiga kuwa ay yihiin bartilmaameedyadena iyo waxa aynu rabno xilli ciyaareedka dambe.

Waxaan isku dayi doonaan in aan yara badalno safkeena.


Bye: Columninst: Mohamed Musa Mohamed (Moh’ed Kaafi)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close